Waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdisho uu ka furmo Kalfadhiga Shanaad ee golaha shacabka, si xildhibaanada ay u amba qaadaan shaqooyinka horyaala.


Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaana yaa sheegay markii uu soo xirayay kalfadhigii afaraad, in 10 Maarso shirkaasi dib u furmo doono, balse ay maanta suurtagelin.



Sababta maanta loo baajiyey furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka oo dalka ka maqan dartii uu u baaqday furitaanka kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka, waxaana la filayaa in 16 bisha ay dib loo furi doono.

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmo kahor dalbaday in si deg deg kulamo ay isugu yimaadaan xubnaha baarlamaanka, kadib kulankii madaxweyne Farrmaao iyo Uhurru Kenyatta oo ka dhacay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.