BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Gaadiid galbinayey Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu weeraray Duleedka magaalada Beled weyne Ee Caasimada Gobolka Hiiraan.

Kollonyada la beegsaday waxay marayeen deegaanka Ceel gaal Ee Beled weyne Duleedka uga beegan,iyadoo Madaxweyne Waare ciidankii la socday ay iska caabiyeen Dableyda wadada ugashay.

Ilaa hadda lama sheegin Khasaaraha inta uu la eg yahay,hayeeshee dadka deegaanka waxay xaqiijiyeen in rasaas xoogan la maqlayey.

Dadka weeraray Kollonyada waxay ahaayeen dadka deegaanka Ceel gaal oo ka carooday in Jawiil Degmada Loo Aqoonsaday oo iyagana la sheegay in la duud mariyey.