Muqdisho-Ayaamaha-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas lagu furay gawaari uu la socday Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan,xilli uu marayay deegaanka Carmo ee Gobolka Bari.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Puntland gaar ahaan kuwo dhawaan gadood sameeyey ay rasaaseeyeen Gaadiidka uu watay Wasiirka Amniga Puntland,waxaana jira khasaaro ka dhashay is rasaaseyntaas.

Ciidamada rasaaseeyey wasiirka Amniga Puntland ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwii dhawaan boosaaso sida xooga ah ku galay,isla markaana ay ka amar-qaataan sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux.

Odayaasha Dhaqanka Magaalada Carmo oo uu horkacayo Beel-daaje Maxamed Beel-daaje Ismaaciil ayaa la sheegay inay kala dhex-galeen Ciidamada wada dagaalamay,isla markaana xaaladu ay tahay mid caadi ah.

Lama oga waxa keenay isku dhaca Ciidamada katirsan kuwa daraawiishta Puntland iyo ilaalada Wasiirka Amniga Maamulkaas,waxaana Ciidamada ku sugan Carmo ay dhawaan la wareegeen Boosaaso wallow markii dambe waanwaan looga saaray.