MUQDISHO-AYAAMAHA-Gaadiidleeyda ka howlgasha wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee Gobolada iyo Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir ayaa maanta waxaa ay ku dhawaaqeen Shaqa joojin, iyaga oo u sababeeyay in isbaarooyin dhowr ah ay kusoo kordheyn wadadaasi lacago badana looga qaaday.

Gaadiidleyda ayaa waxaa ay sheegeen in Dhowr koontorool oo u kala yaalla Maamulka Hir-Shabeelle iyo Ciidamo ka tirsan dowladda lacago looga qaado,isla markaana taasi ay caqabad ku noqotay Shaqadooda.

Mid kamid ah Gaadiidleyda ka Shaqeysa inta u dhaxeysa muqdisho iyo Jowhar ayaa ka hadlay caqabadaha keenay inay Shaqada joojiyaan iyo lacaga cusub ee lagu kordhiyay.

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa horay uga jiray caqabado la xiriira burburka wadada laamiga ah oo Darawalada Gaadiidka ay ka cabanayeen,hayeeshee ay soo kordheyn Koontoroolo dhowr ah oo Gaadiidka lacago looga qaado.