Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi si arxan daro ah loogu dilay Gabar da’yar.

Dilka Gabadhan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi,isla markaana Meydkeeda la jarjaray sida ay sheegeen Ehelada Gabadha yar,taasi oo magaceeda lagu soo gaabiyay Ismahaan.

ISMAHAAN Sidoo kale waxaa la tilmaamayaa in ay da’ahaan jirtay 14-sano ay todobaadyadii la soo dhaafay ay la joogtay dad ay ehel ahaayeen,kuwaasi oo kunool Xaafdda Islii ee Magalada Nairobi.

Hooyadda dhashay Gabadha ayaa ku nool  Xeryaha Qaxootiga Kaakuma eek u yaalla Kenya,iyadoona dilka gabadheeda ku eedeeysay Haweeney la sheegay in ay qaraabo yihiin.

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Haweeyneydii falkan geystay,isla markaana xabsi ku yaalla halkaasi lagu xiray.

Arrintaan ka dhacday Xaafadda Islii ee Soomaalida ku badan tahay ee Magalada Nairobi ayaa ku soo aadeysa xili shalay Xaafad ka tirsan Magaalada Gaalkacyo laga helay Meydka Gabar yar oo 13-sano jir  aheyd oo si xun loo dilay,waxaana dhacdadaan ay saameeyn weyn ay ku reebtay Shacabka Soomaaliyeed.