Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Caawa waxaa ay baadi goob uga jiraan wiil dhalinyaro ah oo galabta gabar ku dilay degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Dilkan kadhacay degmada Yaaqshiid ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay xaafada Jungal.

Magaca gabadha la dilay ayaa lagu sheegay Fardowsa Abuukar Maxamed, halka ruuxa dilka geystay magaciisa lagu soo koobay Bulxad.

Dhacdadan  ayaa ka danbeysay kadib markii ay mur meen wiilka dilay gabadha,maadaama gabadha ay wiilka ka celinaysay caruur kubad ku ciyaaraysay xaafad Jungal uu bistoolad ku taagay, sidaasina ay ku geeriyootay gabadha ladilay.

Waxaa Magaalada Muqdisho inta badan waxaa ka dhaca dilalka sidan oo kale oo ay geystaan koox kuhubaysan hubeysan.