Muqdisho-Ayaamaha-Kooxo hubeysnaa ayaa Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Haweeney.

Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Nasro Cali Geesood ayaa Gudoomiye Waaxeed ka aheyd Degmadda Heliwaa ee Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka waxayna ka baxsadeen goobta uu Dilka ka dhacay.

Dilalka qorshaysan ayaa maalmihii dambe kusoo badanayay Magaaladda Muqdisho.