Gabar Shalay Umushay Oo Maanta U fariisatay Imtixaanka Dugsiga Dhexe.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Magaalad Beledweyne ee xaruunta Gobolka hiiraan waxaa shalay ku umushay Istaahil Cabdi oo kamid aheyd ardayga Dugsiga dhexe ee Beledweyne.

Gabadhan oo shalay umushay ayaa maanta u fariisatay Imtixaanka fasalka 8-aad oo loogu gudbo dugsiga sare.

Istaahil ayaa waxaa imtixaanka loogu geeyay gurigeeda waxaana arrintaas ka shaqeeyay Wasaaradda Waxbarashada HirShabeelle iyo Maamulka Gobalka Hiiraan.

Waa arrin dhif iyo naadir in arday hooyo ah weliba umul ah ay imtixaan gasho, inta badan arday Soomaalida ayaa iskuulka isaga hara marka ay guursadaan taas oo sababta waxbarasho la’aan ku dhacda gabdhaha guurka awgeed.