Meydka Gabar Soomaali ah ayaa waxaa laga helay dhismaha guri ay ka degneyn magaalada San Diego ee dalka Mareykanka, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo cidii ka dambeysay dilka Gabadhaas.

Gabadhaan lagu magacabo Muna Kuri oo da’deeda lagu sheegay 36-sano jir ayaa meydkeeda laga helay qol ay dagneyd, waxaana jirkeeda ka muuqatay jirdil sida booliiska sheegeen.

Qaraabada Gabadhaan meydkeeda la helay ayaa sheegay in la weysanaa tan iyo sabtidii, waxaana gurigeeda markii ay tageen xubno ehelkeeda kamid ah ku arkeyd iyada oo meyd ah oo qolkeeda dhax taala.

Ciidamanka dambi baarista magaalada San Diego ayaa bilaabay baaritaano ku aadan dilka haweeneydan Somaaliyeed iyo cidii ka dambeysay, mana jiro ilaa hada cid loo soo xiray dilka Gabadhan Soomaaliyeed.

Soomaalidda ku dhaqan xaafada ay ku nooleyd Gabadhaan meydkeeda la helay ayaa sheegay in ay aheyd qof dabci wanaagsan, waxa ayna dareen murugo leh ka muujiyeen dhimahadeeda Gabadhaan.

Mareykanka ayaa badanaa waxaa ka dhaca dilal loo geesto Muwaadiinta asalkoodu Soomaaliga yahay, waxaana dilalka dalkaasi ka dhaca mararka qaar la sheegaa in ay isku geestaan Soomaalida dhaxdeeda oo koox koox u abaabulan.