Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Meydka gabar yar oo si arxan daro ah loo dilay lasoo dhigay xaafad katirsan magaaladaasi.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo Caa’isha Ilyaas Aadan, oo aheyd gabar 12-sano jir ayaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay ka maqneyd qoyskeeda, waxaana meydka gabadhan oo si xun loo jir dilay lasoo dhigay afaafka hore ee gurigooda.

Sida aan Xogtan ku helnay meydka gabadhan yar ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in jirka gabadha yar uu ka muuqday jir dil xoogan.

Sababta kadambeysay dilka gabadhan yar ayaa wali la ogeyn sida arxan darada ah loogu dilay iyo cida ka dambeesay.

Ciidanka booliiska magaalada Gaalkacyo ayaana bilaabay baaritaano ku aadan dilka gabadhan yar, Magaalada Gaalkacyo ayaana si weyn loga hadal hayaa dhacdadan cabsida badan ku abuurtay waalidiin badan.