MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa War kasoo saartay dagaalkii Manata Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ku dhexmray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay inay Guddi xaqiiq raadin ah ay u saareen dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb ee u dhexeeyay Ciidanka NISA iyo kuwa Booliska dowladda ee Haramcad.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug waxey u saartay guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah shaqaaqo iyo gacan ka hadal muddo kooban ku dhexmartay laba ciidan maantay magaalada Dhusamareeb, Wasaarardu waxey ciidamada ugu baaqaysaa in ay ilaaliyaan xasiloonida deegaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida.

Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale sheegtay in Guddiga Wasaaraddu arrintaan u xilsaartay uu soo baari-doono sababta keentay isku dhacaas iyo haddii ay jirto dhibaatooyin bulshada ka soo gaaray shaqaaqadaas.