MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka inaga soo gaaraya Meel ku dhaw Isgoyska Ceel gaabta waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Dil loogeystay nin oday ah.

Xabad sigaar ah darteed ayaa loo dilay ninkan odayga ah oo ku ganacsanayey isgoyska Ceelgaabta ee Muqdisho.

Dhanka kale waxaa goobtii dilka ka socdo banaambax loogu soo horjeedo falka dilka ee ka dhacay goobtaas.

Dadka Banaanbaxaya ayaa sheegay inay ka xunyihiin dilka loo geystay ninka ganacsada ahaa ee iibinjiray sigaarka oo ay deris ahaayeen.

Odayga la dilay ayaa haayey masruufka reerkiisa waxaana la sheegay inuu ka tagay caruur gaaraysa 8 caruur oo aan hada haysan wax aabo ah oo biil u raadiyo.

Askari ilaaliya guddoomiyaha degmadda Shangaani ayaa dilay ninkan waayeelka ahaa oo nolosha reerkiisa usocday inuu maareeyo.