Ganacsatada khaadka keena Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen gabi ahaanba jaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya, kadib markii shalay ganacsatada khaadka Kenya ay sheegeen inay joojin doonaan khaadka ay keenaan Soomaaliya.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Khaadka ka keeni jiray dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay Maanta inay joojiyeen Jaadka ay ka keeni jiren Kenya.

Guddoomiyaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee Khaadka Qooje Maxamuud ayaa shaaciyay in iyaga oo la safan dowladooda ay joojiyeen Jaadka, islamarkaana ay taageersan yihiin difaacidda dhulka iyo badda Soomaaliya.

Ganacsatada ayaa sheegay in hadda kadib ay Khaadka ka keeni doonaan dalka Ethiopia.

Maalintii shalay ganacsatada Kenya ee Jaadka ayaa ku hanjabay sidan oo kale.
Somalia waxaa Kenya ay maalin walbaa ka keeni jirtay Khaad aad u badan waxaana lagu qiyaasaa lacagta maalin walbaa Kenya ay khaadka ku badalan jirtay ku dhawaad 400 Kun oo dollar Maraykanka ah.
sikastaba ha ahaatee Ethiopia ayaa hadda waxay heleysa fursad muhiiim ah oo ay lumiyeen ganacsatada khaadka ee dalka Kenya.