MUQDISHO-AYAAMAHA-Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka cabanayaa dhac si joogto ah looga geesto gudaha Suuqa Bakaaraha.

Dhaca goobaha ganacsiga ayaa ku baahay dhammaan dukaamanka iyo Bakaarada,waxaana ay ganacsatada sheegay in ay dhib badan ku qabaan arrinaan soo kordhay ee dhowaan si weyn usii baahaysey.

Mid kamid ah ganacsaada ayaa yiri “Qeybta daawada ayaa ku suganahay waxaan dhib ku qabnaa rag ku libis dareeska ciidanka oo dhac noo geesta,”

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa aad ugu soo badanaya cabashada dadweynaha taas oo ku saabsan dhaca iyo dilalka oo sii kordhaya.

Habeenii Axadda, Allah ha u naxatiistee Cabduqaadir Cabdullaahi Goosaar, oo ahaa wiil dhalinyaro ah islamarkaana dhawaan dhameestay heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, ayaa lagu dilay Muqdisho.

Marxuumka ayaa dilkiisa waxaa ka dambeeyay koox hubeysan oo damacsanaa in ay ka dhacaan Mooto nuuca Feykoonka ah, kuwaas uu ka diiday inuu ku wareejiyo furaha mootada, sida ay noo sheegeen dad ku sugnaa goobtii lagu dilay oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.