MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka laga helayo Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadiniin Soomaaliyeed dil iyo dhaawac loogu geystay meelo kala duwan oo ka tirsan dalkaasi, kadib markii ay weerareen kooxo burcad ah

Weerarka koowaad oo ka dhacay magaalada East london ee gobolka Eastern Cape ayaa waxaa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir Carte. Waxaana marxuumkaas goobtiisa shaqada ku weeraray kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in muwaadin kale oo Soomaaliyeed lagu dhaawacay deegaanka Devitown oo hoostaga magaalada caasimada ah ee Johannesburg.

Ruuxa la dhaawacay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Cumar Axmed Dhiblaawe, iyadoona ay sidoo kale baxsadeen raggii ka dambeeyey dhaawacaasi.

Waxaa goobihii ay weerarradaas ka geysteen isaga baxsaday kooxihii burcada Koonfur Afrikaanka ahaa, waxaana guul dareystay howlagllo lagu baacsanayey ay sameeyeen ciidamada Booliska dalkaas.