Garowe-Ayaamaha-Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka magaalada Garowe Uga furmayo madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa hadda si habsamile usocota.

Sida aan aan ognahay shirka ka furmaya Garoowe ayaa ah midkii ugu adkaa oo ay yeeshaan dhinacyada  ku shiraya maanta magaalada Garowe, waxaana looga hadlayaa amaanka, dhaqaalaha, siyaasadda, qeybsiga Kheyraadka, deeqaha caalamka iyo arinta ugu daran oo ah doorashooyinka.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa shirka in uu ka furmo magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana socda diyaar garow iyo shirar gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda ku sugan magaalada Garowe.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Garowe kula shiray madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, isaga oo ka doonayo inay taageero kaga helaan shirka xasaasiga ah ee ka dhacaya magaalada Garowe.

Sidookale Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa la sheegay dhankiisa inuu ku sugan magaalada Garowe, islamarkaana uu ka qeyb galayo shirka ka dhacaya magaaladaasi.

Mudooyinkii dambe waxaa socday qaban qaabada shirka, waxaana uu shirkaan baaqday labadii iyo Afartii Bishaan, iyadoo maanta gelinka dambe la filayo in shirka uu furmo.

Waxaa aad loo adkeeyey amaanka magaalada Garoowe waxaana ciidamo badan la geeyay hareeraha magaalada.