Garowe oo lagu soo gaba-gabeeyey doorashada 11 kursi oo Puntland ku matalaya Baarlamaanka Aqalka Sare.

Baarlamaanka-puntland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland waxaa Maanta oo Arbaco ah ka dhacday doorashada Xildhibaannada Aqalka sare ee Puntland ku matalaya dowladda Federaalka, waxaana la dooray dhamaan 11 kursi ay Puntland ku leedahay Aqalka Sare.

22 Xubnood ayaa Madaxweynaha Puntland uu soo gudbiyay inay ku tartamayaan 11 kursi ee Aqalka sare, hayeeshee waxaa tartan kaliya lagu galay kursigii ugu horreeyay oo ay ku tartameen Cabdiraxmaan faroole & Maxamed Cusmaan Colaad, halka 10 kursi oo kale Xubnaha ku guuleystay ay tartanka ka hareen Xubnihii la tartami lahaay.

Doorashadaan maanta ka dhacday magaalada Garoowe ee maamulka puntland ayaa dad badan waxaa ay ku micneeyey “xulasha” oo aan aheyn doorasho dhab ah maadaa aan loolan adag aan dhexmaray dadkii tartamaayay.

Maalinta Berito ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada lix Kursi oo kamid ah aqalka sare, waxaana Maamulka Galmudug uu noqonayaa Maamulkii Afaraad ee qabta doorashada Aqalka sare.