Muqdisho-Ayaamaha-Hogaanka Booliska dhanka Caafimaad Generaal cali Xersi Gaab ayaa la sheegay in Noloshiisa ay halis kujirto waxaana la sheegay inuu wajahayo Qaraxyo Joogto ah.

Generaal Gaab ayaa 10 cisho Gudaheeda waxaa lala beegsaday labo qarax, taas oo noloshiisa halis gelinaysa.

Gudoomiyihii hore ee Xamar Jajab Ismail Mukhtar Omar ayaa ku baaqay in Generaal Xersi Gaab loo dalbo Gawaarida aan Xabada Karin hadii kale noloshiisa ay halis weyn kunjirto.

Hoos ka akhriso Qaraalka Guddoimiyaha.

Waxaan la hadlay Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen Cali Xirsi Barre, Alle SW wuxuu ka badbaadiyay Qarax Miino oo Gaarigiisa Saakay lagula beegsaday gudaha Magaalada #Mogadishu.

Qaraxa Gaariga ayaa noqonaya midkii labaad oo 10 Cisho gudaheed lagu bartilmaameedsado Gaariga General Cali Xirsi, taasoo kuu muujineysa Heerka Cadawtooyo ee nabaddiidka Soomaaliya u qabaan Taliyaha.

Aniga oo dareenkeyga ku biirinayo arrintaan waxaan ku boorrinayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska Soomaaliya in taliyaha lasiiyo Gawaarida aan xabaddu karin ee ay magaalada isaga dhex heysaan dad aan cadaw u aheyn Al Shabaab iyo nabaddiid kale.

Gen Cali Xirsi wuxuu kamid yahay Saraakiisha Fara ku tiriska ah ee ay ku dambeyso Wadaniyadda, naxariista, dal jaceylka iyo daacadnimada. waxa loo beegsanayo maalin kastana waa intaas ee Allaha ka badbaadiyo Cadaaladda.