General Odawaa oo ‘qarka u saaran inuu xilkiisa waaye’ iyo cida lagu bedeli rabo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar soo baxay ayaa sheegaya in R/wasaare Rooble uu abaabulayo xilka qaadista Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage.

Labo nin midkood ayaa laga yaabaa in Odawaa lagu bedelo waana General Maxamed Maxamuud Koronto ama General Maxamed Cali Bariise.

Inkastoo wax isbadeli karaan oo shakhsi kale la magacaabi karo hase ahaatee waxaa loo badinayaa General Bariise oo sanadkii hore 2020-kii Madaxweyne Farmaajo ka qaaday Xilkii Taliye kuxigeenka ciidanka xoogga Dalka islamarkaana darajo ka xayuubin lagu sameeyey ayaa macquul ah in taliye Odawaa booskiisa la geeyo.

Dhanka kale waxaa suurta gal ah in Villa Soomaaliya ay ku dhawaaqdo in R/wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed Khadar ay ka dhigto Kusimaha R/wasaare oo meesha laga saaro Rooble oo xalay awoodii hogaamineed doorashada laga wareejiyey kadib xeer uu Farmaajo soo saaray.

Lama saadaalin karo marxaladaan adag ee dalka uu lugaha laga galay iyo halka ay ku dambeyn doonto iyadoo mas’uuliyiin dhowr ay xilalkooda weyn karaan isnta khilaafkaan uu taagan yahay.