Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa soo dhammaaday kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,qaar kamid ah Xildhibaanada golaha iyo inta badan Madaxda iyo Agaasimayaasha Warbaahinada madaxa banaan ee Soomaaliya gaar ahaan kuwooda Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay Gudoonka golaha shacabka iyo Xildhibaanada ayaa isku afgartay in laga gudbo xiisadii dhalisay in dhawaan buuq ku dhamaado kulankii Golaha shacabka ay ku hor yimaadeen Wasiiro iyo taliyaal ciidan oo Baarlamaanka looga yeeray.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ayaa isku afgartay in la ilalaiyo habsami u socodka kulamada Baarlamaanka, lagana fogaado wax kasta oo qalqal gelin kara kulamada, waxaana arrintaan loosoo bandhigay Saxaafadda oo loo sheegay inay ku shaqeeyaan sida Guddoonka iyo Xildhibaanada ay ku heshiiyeen.

Kulamo labadii maalmood u socday Guddoonka iyo Xildhibaanada ayaa la isku afgartay in Doodii ku saabsaneyd arrimaha Amniga laga hadlo maalinta Sabtida ee soo socota, Warbaahintana goobjoog ka noqoto, waxaana maalintaas kaliya la dhageysan doonaa khudbadaha Xildhibaanada iyo Fikaradaha ay ka qabaan Xaaladda Amni ee dalka.

Xildhibaanada iyo Guddoonka ayaa sidoo kale ku heshiiyey in Maalinta xigta ee Axada loo yeero Taliyeyaasha iyo Wasiirada, si ay uga jawaabaan su’aalaha amniga la xiriira, iyadoo aanay warbaahinta goob joog ka noqon doonin, waxayna u muuqataa inuu fulay qorshihii ay Xukuumadda ka laheyd kulankaas oo ahaa inaysan Shacabka ogaan Fashilka dhanka Amniga ah ee Dowladda sidoo kalana aysan hadalo is khilaafayo ku hadlin Hey’adaha Amniga.

Halkaan hoose ka akhriso qaar ka tirsan Qodobada lagu heshiiyey

  1. In wariyaasha imaanaya golaha shacabka ay Soo xirtaan jaakado ay ka muuqato warbaahinta ay ka socdaan calaamadahooda iyo magacyadooda.
  2. Inay Saxaafadda ilaaliso amarrada iyo shuruucda golaha Shacabka.
  3. In Baarlamaanka uu Wariyaasha Saxaafadda ka socdo siiyo Kaar Aqoonsi ah oo ay xiran doonaan inta ay socdaan Kulamada Baarlamaanka.