MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa Kulanka xasaasi uscoda madasha xisbiyada qaran, xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo qeyb ka ah ololaha doorashada soo socoto.

Maanta ayaa lagu ballanasan yahay in la soo gaba gabeeyo shirkan oo seddexdii cesho ee la soo dhaafay ka socday Muqdisho.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya hoggaanka sare ee Madasha, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Sh. Shariif Sheekh Ahmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Dawlada Soomaaliya ayaa isha ku heysa,waxa kasoo baxa Shirkaasi,oo lagu wado in Doorashooyinka iyo Maqaamka Gobolka banaadir ay ugu muhiimsan yihiin Go’aanka laga dhursugayo.

Shirkaan maalmaha qaatay ayaa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo maanta, warar ayaa sheegaya in go’aanada la sugayo yihiin kuwo saameyn ku yeelan doona hannaanka doorashada dalka lala wadaago Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed.