GAROWE-AYAAMAHA-Xildhibaannada Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhalay sheegay in ay gebbi ahaamba ay isaga bixi doonaa dowladda federaalka Soomaaliya sababto ay ku yeegeen in ay raali ka heyn 13-ka senator ee Banaadir la siiyey.

Kulanka maanta ee Xildhibaannada Puntland ayaa ah mid aan caadi aheyn oo deg deg ah,kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid ayaa Xildhibaannada Puntland u diray farriin lagu wargelinayay qabsoomida kulankaas,waxaana la sheegay in looga hadlayo kulanka sharciga Xeerarka doorashooyinka oo badi ay meel mariyeen Xildhibannada Golaha Shacabka oo puntland ay kasoo horjeedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Puntland ay Maanta soo saareyso go’aan ay gebi ahaanba uga baxeyso ka qeyb galka hannaanka doorashada Soomaaliya,xilli shalay Xubno ka tirsan Baarlamaanka ay Puntland u soo jeediyeen inay ku dhawaaqdo madax-banaani.