Muqdisho-(Ayaamaha)-Golaha Amaanka ee Qaramadda midoobay ayaa Arbacadii soo saaray qaraar ay ku cusbooneeysiiyeen mudada Howlgalka caawiya Soomaaliya ee Qaramadda midoobay waxaana mudda la gaarsiiyay 31-ka March sanadka 2020 ka.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa ka codsaday dalalka Caalamka in Ciidamada Soomaalida iyo AMISOM la siiyo wax kasta oo u suura gelin kara inay ka adkaadaan Kooxaha argagixisada ah ee caqbaada koowaad ku ah horumarka dalka.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Baalle ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ka hor-jeediyay warbixin ka hadleysay xaalada Soomaaliya, isagoo ka warbixiyay horumarada u dambeeyay ee dowladda sameysay.

Ugu dambeyn Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay Midnimo inay gaaraan owladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana ay cambaareeyeen qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.