Muqdisho-Ayaamaha-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay Cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya, kadib markii xasaasi ah ay kulan ku yeesheen Magaalada New Your ee dalka Mareykanka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dood dheer, kadib kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya muddo sanad ah, waxaana arrintaas ay aheyd mid cod loo qaaday.

Qaraarkan lagu sii kordhiyay Cunaqabateynta Saaran Soomaaliya Waxaa gudbisay Dowladda UK waxaa ka aamusay Dalalka Ruushka, China iyo Equatorial Guinea ka dib markii ay sheegeen in ay ku jiraan waxyaabo Xadgudub ku ah Xuquuqda Aadanaha.

Sidookale Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku daray Cunaqabateynta Waxyaabaha Kiimakada ah ee loo dhoofiyo Soomaaliya oo ay sheegeen Guddiga qaabilsan arimaha Soomaaliya in laga sameeyo waxyaabaha qarxa.

Safiirka dalka Belgium Marc Pecsteen de Buytswerve oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa 25-ka Bisha Octoober Golaha siiyay warbixin guud, waxaana isla kulanka looga dooday qaraar ay soo gudbisay dowladda UK oo ah qalin-hayaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka.