Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo war ka soo saartay xaaladda Tigray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in colaaddii dhawaan ka dhacay gobolka Tigreeda ee dalka Itoobiya ay sababtay macaluul saameyn weyn ku yeelatay qiyaastii 400,000 oo qof.

Kulan uu xalay arrinta gobolka Tigray ka yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa laga sheegay in ay suurtagal tahay in colaad hor leh ay halkaasi ka dhacdo, inkastoo horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah.

Ku simaha madaxa gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, Ramesh Rajasingham, ayaa Golaha Amniga u sheegay in xaaladda Tigray ay aad u xumaatay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay in 1.8 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macaluul – marka lagu daro 400,000 oo qof oo durba ka gudbay xadka dalkaasi.

Wuxuu intaas ku daray in 33,000 kun oo carruur ah ay hayso nafaqadarro ba’an.

Dowladda Itoobiya ayaa maalintii Isniinta ahayd ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, haseyeeshee waxaa jiray warar sheegayay inay jiraan iska hor imaadyo goos-goos ah oo ka socda qaybo ka mid ah gobolka Tigreega, iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee ah in dhammaan dhinacyada colaadda ku lugta leh ay dib u kala gurtaan.