Magaalada Muqdisho Shalay gelinkii hore ayaa Haweeney ka mid ah adka ku nool Magalada Muqdisho loo diiday in ay ku dhasho xarun caafimaad oo ku taalla degmada Xamar jajab oo lagu Magacaabo Wardi Community Hospital,waxaana dhacdadaas si kulul uga hadlay Aqalka Sare.

Sanoter Samsam Daahir Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegtay inay falkaasi cambaareeynayaan,waxaana guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka dalbatay inuu jawaab deg deg ah ka bixiyo falkaas.

waxa kaloo ay sheegtay in Golaha aqalka Sare uu uyaalllo sharciga mihnadlayaasha Caafimaadka,isla markaana in sharcigaas ansixintiisa uu suura gelin lahaa in dhaqaatiirta falalkaas ku kaca laga laaban karo Warqada ogolaanshaha Shaqada ee Dhakhtarnimadda.

Dad badan oo isugu jira, Siyaasiyiin Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa aad uga xumaaday falka lagula kacay Haweeneyda lagu Magacaabo Khadra Maxamuud taas oo loo diiday inay ku dhasho Gudaha Isbitaalka WARDI,isla markaana ay ku dhashay banaanka Isbitaalkaas.