Muqdisho-Ayaamaha-Kalfadhigii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa looga yeeray Wasiirka amniga Xukuumadda Maxamed Abuukar Islow Ducaalle iyo Taliyeyaasha hoos yimaada.

Mr Islow ayaa waxaa loo diray warqabad Qoraal ah oo looga codsanayo in Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ku horyimaad Maalinta berri oo Talaado taariikhduna ay ku beegan tahay 26-ka Bisha November.

Wasiirka amniga Xukuumadda sidoo kale waxaa laga Codsay inuu Aqbalo hor imaanshaha Golaha isaga oo ay la socdaan Taliyeyaasha Hay’addaha hoos yimaada.

Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa Wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyeyaasha hoos yimaada waxaa  ay wax ka weeydiin doonaan Su’aalo la xiriira dhanka amniga.

Hoos ka aqriso qoraalka.