Golaha Wadatashiga Qaran oo Shir la leh Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya

MUQDISHU-AYAAMAHA-Weli waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo galay Maalintii lixaad lana filayo in dhawaan la soo geba-gabeeyo.

Shirka ayaa waxaa Maanta ka qeyb galaya Xubno katirsan Midowga Musharaxiinta, waxaana kulankooda uga wada hadlayaan Dardargelinta Arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo sixi lahaa khalalaadkii dhacay.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa la wadaagaya Midowga Musharrixiinta qodobada heshiiska doorashooyinka oo ay wada gaareen Golaha wadatashiga si heshiiska oo lagu wada qanacsan yahay loo soo saaro.

Golaha wadatashiga ayaa horay warbixino iyo talooyin uga duageystay, Midowga Musharrixiinta, Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaas oo ka qeyb galay kulamadii ay yeesheen Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haaya waxa laga filan karo soo geba-gabeynta Shirka Golaha wadatashiga, kaas oo la filayo in saacadaha soo socda Warmurtiyeed laga soo saaro.