Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa maanta golihiisa wasiirada horgeeyay xubnaha baarlamaanka maamulkaasi, si loo ansaxiyo.

Madaxweyne Deni ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan xukuumadda cusub, si uu uguda galo ballan qaadyadii uu sameeyay, xilligii doorashada.

Intaasi ka dib waxaa la guda galay hadal jeedinta wasiirada oo ka sheekeynayay taariikhdooda iyo waxa ay qaban doonaan marka la meel mariyo.

Golaha wakiilada Maamulka Puntland oo ka kooban 66 xubnood ayaa fadhigan waxaa soo xaadiray illaa 63, waxayna ugu dambeyn cod-aqlabiyad leh ku ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee Maamulka Puntland.

Maanta kadib xukuumaddan oo horay loo dhaariyay ayaa guda gali doonta waajibaadka dadka iyo deegaankaba ka saaran, waxayna bulshada reer Puntland uga fadhiyaan waxqabad muuqda.