Muqdisho-(Ayaamaha)-Warar goor dhow naga soo gaaray ayaa waxaa uu sheegayaa in golaha Wasiirada ay caawa shir degdeg ah uga socdo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kulankan ayaa ka dambeeyay, markii Wasiirada galabta la isugu yeeray.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo sidii maalinta berri Hey’addaha Ammaanka ee dowladda ay Warbixin dhameystiran oo mid ah ula tagi lahaayeen kulanka Baarlamaanka ee looga hadlayo xaalada amniga, kaddib markii looga yeeray Wasiirrada Amniga, Gaashaandhigga, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale kulankan caawa Golaha Wasiirada imaanaya, iyadoo berri lagu wado inuu Muqdisho ka dhoofo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Washington, waxaana xubnaha safarkiisa ku wehliya ka mid ah Agaasime Kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin oo ka mid xubnaha looga yeeray Baarlamaanka.