Golaha Wasiirada oo ka laabtay Go’aankii ONLF ugu aqoonsadeen Urur agagixiso

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiirada ayaa intooda badan u codeeyeen qaraarkaas maanta la horkeenay Golaha Wasiirada, iyadoo Wasiirka kaliya ee diiday uu ahaa Wasiir Beyle, halka uu ka aamusay Wasiir Xamse Maxamed Xamse.

Xog aan ka helnay kulankii maanta waxa la sheegay in Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle uu ka hor yimid in liiska Argagaxisada laga saaro ONLF,xilli Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdi Siciid Muuse Cali uu shirka ka maqnaa,lana ogaan karin waxa go’aankiisa ahaa maadaama Farmaajo saaxiib dhaw la yahay.

lixdii Bishii September ee Sanadkii 2017 ayaa Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre waxaa ay u aqoonsadeen ONLF inay tahay Urur Argagixiso ah, sidoo kalena sharci ka dhigtay go’aankii dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyay Itoobiya.

Tani ayaa muujineysa in galaan gal weyn uu Xafiiska Rooble kusameenayo Siyaasada Dalka iyo hogaaminta Awooda Xukunka marka loo eego isballaarintiisa xilli doorashada iyo hirgelinteeda lagu koobay markii hore.