MUQDISHO-AYAAMAHA-Tuulo hoostagta Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika waxaa lagu boobay Goobo ganacsi oo ay leeyihiin Ajaanib oo ay kamid yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana cagta la mariyay Dukaamo dhowr ah.

Boobka waxaa ka horeeyay dibadbax rabshado watay oo ay sameynayeen muwaadiniin Koofur Afrikaan ah, balse kolkii dambe waxa uu banaanbaxa isu badalay mid lagu boobayo goobaha Ganacsiga.

Cabdikaafi Xasan Warsame oo kamid ah Ganacsada Soomaalida Koofur Afrika sidoo kale la boobay Goob Ganacsi uu ku lahaa Magaalada Johannesburg waxa uu BBC-da u sheegay in uu ku khasaaray dhacaas.

Waxyeelada gaartay waxa uu ku sheegay in ay dhacday in laga boobay badeeco guud ahaan ku kaceysay lacag dhan 400,000 (Afar boqol oo kun oo ran)oo Rand oo ah lacagta Koofur Afrika oo doolar ahaan u dhiganta $23,464.26 (Labaatan iyo Saddex kun, afar boqol, lexdan iyo afar doolar, labaatan iyo lex santi).

“Ma garan karno sababta nalagu boobay, dibadbax ka dhashay isbadalka adeegga korontada iyo shidaalka ayay dhigayeen, balse markii dambe waxa ay ku dhaqaaqeen waddo ka duwan isu soo baxooda, Booliiska waa ay kala xaroodeen, waxaana ay soo baxeen kolkii nala dhacay” ayuu yiri Cabdikaafi Xasan Warsame oo kamid ah Ganacsatada la dhacay.

Lama soo warin waxyeelo nafeed oo ay geysteen kooxaha dhaca sameeyay, maadaama Ganacsatada Soomaalida ay isaga carareen Goobahooda kolkii ay ku xoomeen Kooxaha Burcadda ah, si aysan khatar u gelin naftooda.

Bishaan kala barka joogto ee June waxaa Koofur Afrika lagu dilay 5-Muwaadin oo Soomaali ah, waxa ay naftooda ku waayeen weeraro lagu boobayay Goobahooda ganacsiga, halka kuwo kale ay isbitaalada la jiifaan dhaawac loo geystay.