MUQDISHO-AYAAMAHA-Google ayaa tirtirtay faalooyiin xun oo laga bixiyay barta bulshada ee TikTok, kuwaas oo lagu qoray qeybteeda barnaamijka Play Store iyadoo App-ka oo haystay 4.5 qiimeyn ah uu hal habeen ku noqday 1.2.

Bartan oo muuqaallo la iskula wadaago ayaa laga wada bixiyay qiimeyn hal xidig ah ka dib markii ninka caanka ah ee u dhashay Hindiya uu ku baahiyay muuqaalka weerar aashito (Acid) ah.

Faizal Siddiqui ayaa raali gelin ka bixiyay, TikTok-na way tirtay dhammaan muuqaalkaas iyo meelihii la sii geliyay.

Balse, Google ayaa arrintaas soo faragelisay waxayna sheegtay in dhacdadaas ay ka dambeeyeen dad sameystay akoono been abuur ah si ay dadka kale ugu kiciyaan bartan.

Iyadoo tallaabadaas la qaaday haddana saameynta ay TikTok arrinta ku yeelatay weli way taagan tahay, waxayna qiimeyn ahaan ka hooseysaa laba xidig marka la eego suuqeeda Android-ka.

Muuqaalka muranka dhaliyay waxaa ka muuqday Siddiqui oo weerar aashito ah ugu hanjabaya gabar go’aansatay in ay ka tagto.

Muuqaalka dhexdiisa waxaa laga arkay isagoo wax dareere ah uga shubaya wejiga. Waxay ahaayeen biyo, balse muuqaalka labaad waxaa lagu arkay gabadha oo wejigeeda loo ekeysiiyay in Aashito lagu shubay ayna dhaawacyo u geysatay.

“Sida uu sharciga dhigayo, ma aqbaleyno xog dhibaato ku ah badqabka dadka kale, baraarujineysa dhibaato jismi, ama dhiiragelineysa tacadi loo geysto dumarka,” ayuu yiri afhayeen u hadlay TikTok.

“Dhaqanka su’aasha laga keenaywuxuu ka soo horjeedaa shuruucdeena waana ka tirtay bartan TikTok, akoonkana waan xannibnay, waxaana gacanta ku haya laamaha amniga oo sida ugu haboon u eegaya.”

Mr Siddiqui ayaa mardambe sheegay: “Maadaama aan ahay qof saameyn ku leh baraha bulshada, waan gartay masuuliyadeyda waxaana raali gelinayaa qof kasta oo dhibaato u qaatay muuqaalkeyga.”

Ka dib markii TikTok ay arrintaas ka hadashay, Google waxay tirtirtay in ka badan 5 Milyan oo faallo oo cusub oo qiimeyn hal xidig ah saaray App-ka Tiktok ee Play Store-ka, iyo kuwo markaas gacanta lagu hayay.

Afhayeen u hadlay Google wuxuu sheegay in ay “qaadeen tallaabo wax sixid ah”.

“Markii aan ogaanay dhacdada xadgudubka leh, waan eegnay waxaanna qaadnay tallaabo sixid ah si aan u tirtirno qiimeynta aan saxda ahayn iyo fikradaha qaldan”, ayuu yiri afhayeenka u hadlay Google.

Dhacdada lala xiriiriyay TikTok Qiimaheeda guud ee billaha ah oo saameysay arrintii ahayd in ay App-kasta oo aan kuwa game-ka ahayn ay ka sareeyeen bishii April, sida Youtube iyo Netflix, sida laga soo xigtay Shirkadda qiimeyntaas Sensor Tower.

Qiimaha TikTok ee bil kasta wuxuu xilligaas sare u kacay illaa $78m oo dollar, taas oo 86.6% ka ah dhakhliga Shiinaha kaga imaanaya, waxaana xiga Mareykanka oo 8.2% boqolkiiba ay ka helaan.