Beledweyne-Ayaamaha-Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay xiisad ay ka taagneyd.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi farmaajo ayaa shalay waxaa uu guddi baaritaano sameeya u saaray dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee lagu dilay taliyihii qeybta booliska Gobolka Hiiraan,waxaana Maanta ay tegayaan Magaalada Baladweyne.

Xiisadaasi ayaa sababtay inuu ku geeriyoodo taliyihii qeybta Booliska ee gobolka Hiiraan dagaal ka dhacay deegaanka kalabeyr ee gobolka Hiiraan, waxaana socda baaritaan lagu sameynayo dadkii falkaasi amray.

Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaa qeyb ka ah Xeer ilaalinta Maxkamada Cidiamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Guddigaas ayaa waxaa baaritaan dhab ah la filayaa inay kusoo sameeyaan sababtii ka dambeysay dilka taliyihii qeybta booliska Gobolka Hiiraan Col, Maxamed Macow Xalane oo ku dhintay dagaalkii deegaanka Kalabeyr.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ahna gudoomiyaha guddigaas ayaa shalay isaga oo Saxaafadda kula hadlayay Muqdisho  sheegay in guddigooda uu si wanaagsan baaritaano ugu sameyn doono wixii ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee lagu dilay Taliye Macow.

Dhanka kale Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Beledweyne, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan dhinacyada kala duwan ee ku sugan magaaladaasi.

Xildhibaano Daahir Amiin Jeesow oo deegaan doorashadiisa tahay Hiiraan ayaa kamid ah xubnaha maanta tagaya magaalada Beledweyne, waxaana uu sheegay inay la kulmi doonaan madaxda maamulka Hirshabeelle iyo guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Xiisadii ka dhalatay xilka qaadistiui Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa weli ka taagan Baladweyne, iyada oo shalay banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle uu ka dhacay Baladweyne.