Muqdisho-(Ayaamaha)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  maanta waxaa ay yeelanaya kulunka 1aad ee Kalfadhiga 5aad ee xarunta fadhiyada Baarlamaanka ee Golaha Shacabka.

Ajandaha maanta ee Golaha Shacabka ayaa ah, dhageysiga Warbixinta Guddiga dib u eegista Dastuurka sida lagu sheegay fariimo loo diray Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa maanta sidookale ka doodaya arimo la xariira Dastuurka waxaa jira Xildhibaano Ajandaha maanta ka soo horjeestay kuwaas oo dalbaday in ay aheyd in maanta laga doodo arimaha amaanka ee magaalada Muqdisho oo sii xumaanaya.