MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta soo gabayabeeyay howshooda, iyadoo warbixinta ku saabsan Afarta Xeer ee loo xilsaaray u gudbin doonnaan Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Xeerarka ay ka soo shaqeeyeen ayaa waxaa ka mid ah kuraasta Aqalka sare ee la dhigay Gobolka Banaadir, taasoo noqon doonta markii u horeysay oo Gobolka Banaadir matalaad ku yeesho Aqalka Sare.

7 kursi oo lagu dooran doono hab qeybsita 4.5 ayaa la dhigay Gobolka Banaadir, kaasoo oa dheeri ah tirada hadda uu ka kooban yahay Aqalka Sare, waxaana meel marinta kuraastan u baahnaan doontaa wax ka bedel Dastuurka oo laga rabo Baarlamaanka Labada Aqal ku ansixiyo 3 meel labo meel.

Sidoo kale qeybinta 7-da kursi ayaa waxaa go’aan ka gaari doona Hoggaanka sare ee dalka.