Guddiga doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay guddiga xulaya ergada kursiga HOP 58

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kursiga Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee tirisgiisu yahay #HOP058 oo uu ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay Nuur Iidow Beyle.

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay shaaciyay Odayaasha dhaqanka iyo bulshada Rayidka ee soo xuleysa ergada doorashada kursiga #HOP058, iyadoona Guddiga uu diiwaan-gelinayo Musharaxiinta ku tartameysa kursigaas Maanta.

Qoraal kasoo baxay shalay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in doorashada Afarta Kursi la qabanayo Maalinta berri ah oo taariikhduna ku beegan tahay 27 Bishaan Marso, waxaana kuraastaas ay kala yihiin.

1: HOP#058 oo uu hadda ku fadhiyo Nuur Iidow Beyle, waxaana kursigaas u sharaxan Xubno uu kamid yahay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

2: HOP#019 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiso Farxiyo Muumin Cali, wuxuuna kursigaan kamid yahay kuraasta ugu adage e doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Beledweyne.

3: HOP#059  oo ay ku fadhiso Samiiro Xasan Cabdulle, waxaana kursigaan u sharraxan Xubno kale, kuwaas oo doonaya inay u tartamaan.

4: HOP#039 oo ay hadda ku fadhiso Drs Maryan Axmed Haaruun, waxaana kursigaan uu kamid yahay kuraasta Isha lagu wada haayo ee taalla Magaalada beledweyne.