Kismaayo-Ayaamaha-Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo qoraal jawaab celin ah u diray beesha caalamka ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Jubbaland la qaban doono waqtigii la qorsheeyay oo aan mar kale dib loo dhigi doonin.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa mkarka lagu faah faahiyay geedi socodkii doorashada guddiga iyo howlaha doorashooyinka, iyaga oo beeniyay inaysan dhex dhexaad aheyn,kadib markii horay loogu eedeeyay inay u xaglinayaan musharax Gooni ah.

Xamza ayaa maanta soo saaray warqadda jawaab u ah tan James Swan, isaga oo sheegay in guddiga doorashada Jubaland uu qaaday toddobo tallaabo oo muhiim u ah hanaanka doorashada Jubaland, oo ay ugu dambeysay inay dib u fureen is-diiwaan gelinta musharaxiinta, dibna u dhigeen doorashada madaxweynaha.

Waxaa guddigu sheegay in dib loo furay isdiiwaan gelinta Musharaxiinta oo saddex maalmood lagu daray, taasoo ka bilaabanaysa 17 illaa 19 bishan Agosto, isla markaana la hubiyey in doorashadu ay ku dhacdo nidaam hufan oo loo siman yahay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddiga