Kismaayo-Ayaamaha-Xamza Cabdi oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland  ayaa si kulul uga hadlay warqado is xig xigay oo shalay ka soo bay Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in doorashadii Kismaayo ay u dhacday si cadaalad ah, isagoo meesha ka saaray in Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya wax doora uga banaan tahay ka hadlida sax ahaansheheeda ama iney wax ka qaldanaayeen.

Dhinaca kale Waxaa uu ka hadlay qoraalka ka soo baxay beesha Caalamka, kuwaasoo iyagana muujiyay walaacooda wixii shalay ka dhacay Kismaayo, iyagoo iska diiday mudada yar ee guddiga ku kordhiyeen waqtiga ay qabsoomeyso doorashada oo Saddex cisho ah.

Warqad ka soo baxday Beesha Caalamka kuna qorneyd luuqad adag ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga doorashada Jubaland ay sameeyeen wax ka duwan wixii ay Beesha Caalamka kala hadleen markii ay ku kulmeen Magaalada Kismaayo Khamiistii hore, isla markaana haddii aan wax laga bedelin arrimaha socda aanay taageeri doonin hannaanka doorashada Jubbaland.