Guddiga doorashooyinka ee la dagaalanka musuq maasuqa oo war cusub soo saaray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-War saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa ayaa waxay sheegeen in ay si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.

Guddiga waxay sheegeen in ay si gaar ah isha ugu heyn doonaan howlaha horyaalla doorashooyinka.

Warsaxaafadeedka ay soo saareen waxay sheegeen in ay ku baaqayaan in loo sinaado fursadaha ololaha doorashada oo ay murashaxiinta Haweenka iyo murashaxiinta la heyb sooco ay qeyb ka yihiin.

“Guddigu wuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo kadib doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.”

Sidoo kale Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, “Waxaa naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay,” ayaa qoraalka lagu yiri.

Guddiga ayaa xasuusiyey dhamaan howlwadeenada doorashooyinka ay ku jiraan kuwa heer federal iyo heer dawlad Gobolleed in laga doonayo Madax banaani,dhex dhexaadnimo iyo isla xisaabtan islamarkaana ay si adag ugu hogaansamaan sharciyada qaranka iyo qaab dhismeedka sharciga doorashooyinka.