Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo tababar loo furay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Dalka heer federal iyo heer dawlad goboleed tababarkan ayaa socon doona mudo afar cisho ah.

Guddiyada Doorashooyinka ee heer federal iyo heer dawlad goboleed ayaa muhiim u ah hannaanka doorashooyinka dalka, waxaana la filayaa in dhawaan ay si toos ah u guda galaan howlahooda.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana gudiyadda kula dardaarmay in ay si daahfuran oo caddaalad ah u maamulaan hawlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

Jadwalka doorashada ayaa shalay loogaga dhawaaqay shirkii Madasha Qaran iyadoo la shaaciyay in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 10ka Oktoobar 2021.