Muqdisho-Ayaamaha-Maanta oo Axad ayaa la filayaa in Guddiga Joogtada Ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Xarunta Guddiyadda & Guddoonka ee Villa Hargaysa ku yeeshaan kulankooda 1aad ee Kalfadhiga 6aad.

Kulankan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,isla markaana waxaa ka soo qeyb galaya kulankaas inta badan xubnaha Guddiga Joogtada.

Ajandaha kulanka Maanta ayaa ah dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo dhawaan Furmay.

Kulankooda kadib ayaa la filayaa in Xubnaha Guddiga joogtada ay soo saaraan ajendayaasha ugu soo horeeya ee kal-fadhiga 6aad ee golaha Shacabka.