MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan Deg deg ah ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo ugu weyn tahay dejinta Ajendayaasha Kal-fadhiga 7aad ee Golaha oo 6-dii bisha si ramsi ah u daah-furay Madaxweuyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubnaha Guddiga ayaa xalay waxaa loo diray farriimo wargelin ah oo ku aadan inuu Maanta kulan Guddiga u jiro, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan si loo dejiyo Ajendayaasha Kal-fadhiga 7aad ee Golaha.

Kulanka kadib ayaa waxaa lagu wadaa in Guddiga ay soo saaraan go’aan ka gaaraya sida uu noqon doono kal-fadhiga 7-aad Xildhibaannada yeelan doonaan, kaasi oo ah midkii ugu dambeeyay mudadda xil heyntooda oo ay ku eg tahay dhamaadkan sanadkaan 2020.