Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi oo guddoon doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ee magacawday dowladda federaalka Soomaaliya ee ku xareysan Hotel Decale ayaa maanta doortay Gudoon cusub.

Khadar Xariir Xusee ayaa lasheegay in loo doortay Gudoomiyaha guddiga, halka Kuxigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.

Guddigan oo Xukuumadda soo magacawday ayaa ka mid ahaa Guddiyada doorasho ee lagu muransan yahay.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si weyn uga soo horjeestay guddigaan oo uu sheegay in ay yihiin kuwo baalmarsan sharciga.