Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa Guddigan waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug iyo xubno kale.

Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Ee Baarlamaanka Soomalaiya  Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} ayaa hoggaaminaya wafdiga oo ka kooban 9 Xildhibaan,waxaana la filayaa inay la kulmaan Madaxda Galmudug eek u suagn Magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka Dhuusamareeb u gaareen Wafdigan ayaa ah sidii ay kulan ula qaadan lahaayeen Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Hogaanka Ahlusunna Waljameeca,iyagoona kala hadli arrimaha Doorashooyinka dalka.

Wafdiga Guddiga KMG ah ee  soo diyaarimnta Sharciga doorashooyinka ee tegay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Ahlusunna diidmo ka muujisay Guddigga doorashooyinka Galmudug ee Dowladu Magacaawdey taasoo xalinteeda uu Dhuusamareeb u Joogo Wasiirka Arimaha Guddaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye.