Guddiga Xallinta Khilaafaadka Oo Go’aan Ka Gaaray Saddex Kursi Ay Hakiyeen

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa Go’aan ka gaaray  oo dacwada kuraasta sumadoodu tahay HOP#201 HOP#209 IYO HOP#211, kuwaas oo todobaadkii hore ay guddiga natiijada ku dhawaaqista kuraastaas ay hakiyeen.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu soo bandhigay kasoo dacwoodayaasha habka ay u dhacday doorashada kuraastaas, hayeeshee guddiga baaritaan dheer kadib ay go’aan ka gaareen.

Guddiga ayaa caddeeyay in hannaanka loo maray doorashada Golaha Shacabka ee saddexda kursi uu yahay mid waafaqsan habraacyadii loo dejiyay doorashooyinka, isla markaana Guddiga dacwada lasoo gudbiyay ku sameeyay baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku wargeliyay inay ku dhawaaqan Natiijada doorashada kuraasta HOP#201 HOP#209 IYO HOP#211 oo ay fasax yihiin kuraasta.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#201 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Wasiirka Maaliyadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, balse dhawaan loo doortay Cabdullaahi Abiib.

Kursiga HOP#209  ayaa waxaa uu horey ugu fadhiyey Allaha u naxariistee Axmad Dhimbil Casoowe, waxaana maalma ka hor loo doortay Maxamad Xuseen Haadi.

Kursiga Sedaxaad ee tirsigiisu yahay HOP#211 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday Caasha Koos, oo mar kale maalmo kahor dib loogu doortay, kadib doorasho ka dhacday Xarunta.