Guddiyo ka kala socda Golaha wadatashiga & Midowga Musharixiinta oo kulmaya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada dalka kajira ayaa ogolaaday in laga wada hadlo qdoobada ay cabashoada xoogan ka keeneen midowga Musharixiinta, kuwaas oo kujira go’aanadii maalin ka hor kasoo baxay Shirkii Golaha wadatashiga Qaran.

Midowga Musharxiiinta & Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa iska soo dhex saaray Guddiyo min Saddex Xubnood ah, kuwaas oo Maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho.

Guddiyada ayaa waxaa ay kala yihiin, Saddex Xubnood oo ka socda Midowga Musharixiinta oo kala ah, C/raxmaan C/shakuur, Shariif Xasan iyo Daahir Maxamuud Geelle, halka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka socdaan Saciid Deni, C/casiis Lafta Gareen iyo Axmed Qoorqoor.