Muqdisho-(Ayaamaha)-Guddoomiyaha golaha aqalka sare BFS ayaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire; Francisco Caetano Madeira.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha nabad ilaalineed ee ay Amissom ka waddo gudaha Dalka iyo doorka ay ka qaadan karaan Dowlad goboleedyada ,sida uu Saxaafadda u sheegay Amb; Francisco Madeira.

Habdhowraha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya Sen, C/kaafi macalin xasan, ayaa sheegay in waxyaabihii kulanka looga hadlay ay ugu muhiimsanayd muddo kordhinta Amissom iyo arrimaha Doorashooyinka.

Ambasador; Francisco Madiera, ayaa horay ula soo kulmay Madaxweynaha Dalka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyagoo sidoo kale isla jeex-jeexay sidii ay labada dhinacba isaga kaashan lahaayeen howlaha sugidda ammaanka Dalka.