MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in been abuurka lagu sameeyey xeerarkii dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka ee Guddiga wadajirka labada Aqal ay soo diyaariyeen mid aan aheyn in la horgeeyey Golaha Shacabka, isla markaana uu baalmarsan yahay go’aankii maamul ee Guddiga wadajirka lagu magacaabay 28 bishii Febraayo, xadgudubna ku ah hannaanka xeer dejinta dalka, kuna abuureysa kalsooni daro hey’adaha kale ee dowladda.

“Waxaa dhacday in dukumiinti ka duwan nuqulkii loo soo gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee BFS ee la xiriira afartii xeer ee ay soo diyaareen Guddiga Wada-jirka ahaa loo qaybiyay mudaneyaasha Golaha Shacabka 17 June 2020, ka doodistiisana ay haatan ka socoto Golaha Shacabka, laguna baahiyay warbaahinta Dalka,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa faray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in aanay u isticmaali karin doorashada 2020/21 go’aan kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka oo si gaar ah ugu saabsan afarta Xeer ee laga been abuuray, inta laga saxayo qoraalka afarta xeer ee loo qeybiyay Golaha Shacabka loona marayo habraaca xeer dejinta Dastuuriga.

“Guddoonka Golaha Shacabka waxay qaateen wax aan ku tilmaami karno go’aan siyaasadeed oo sharciyadda ka dilaya nidaamka doorashada Dalka, isla markaana dhaawacaya nidaamka xeer-dejinta Dalka ee ku qeexan Madaxa Aafraad, Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo xeerinaya habraaca xeer dejinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday guddoonka golaha shacabka inuu si deg-deg ah ugu laabto nuquladii saxda ah ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah ee labada aqal.
Hoos ka akhriso qoraalka Gddoomiye Xaashi