Muqdisho-Ayaamaha-Magalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, iyada soo suweyn loo soo dhaweeyey.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Jabuuti ayaa goor dhow u ambabixi doonaan magaalada Baydhabo oo ay uga qeyb galayaan furitaanka Kulanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ayaa hadda ka socda Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo’ iyadoo amniga magaalada si weyn loo adkeeyay.